Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 07 2008
Madaxii Xarunta Wiilasha Agoonta Lafoole oo la Dilay
Written by Ali Moallim   
Thursday, 07 August 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Kooxo hubeysan ayaa xalay waxay dileen Madaxii Xarunta Wiilasha Agoonta Lafoole Cabdu qaadir Yuusuf  Kaariye, kaasi oo markii la dilayay ku sugnaa nawaaxiga gurigiisa oo ku dhow Xaruntaas.

 

Dad goob-joogayaal ahaa oo markii marxuumka la dilayay ku sugnaa meel u dhow halka uu dilka ka dhacay ayaa waxay sheegeen in ay rag hubeysan marxuumka kala soo baxeen gurigiisa kadibna ay ku dhufteen dhowr xabadood oo uu u geeriyooday.

 

Marxuum Cabdu qaadir Yuusuf Kaariye ayaa wuxuu gacanta ku hayay Xaruntii Agoonta Lafoole tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna dhawaanahan ka mid ahaa dadka u ololeeya sidii nabad iyo nolol u heli lahaayeen dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood uu ku soo dhaweeyay xarunta uu gacanta ku hayay.

 

Intii aan la dilin marxuumka wuxuu ka qeybgalay banaanbax looga soo horjeeday dilalka iyo Af duubka loo geysanayo shaqaalaha Hay’adaha Samafalka, kaasi oo muddo todobaad ah ka socday inta u dhaxeysa Deegaannada KM13 iyo Lafoole, wuxuuna marxuumka ka sheegay mid ka mid ah banaanbaxyadaas in ay ka soo horjeedaan dilalka iyo af duubka lagula kacayo shaqaalaha Hay’adaha, isagoo kuwa falalkaas ku kacaya Alle uga baryay in uu bulshada dhaafiyo.

 

Dilka loo geystay marxuumka waxaa si weyn u cambaareysay Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman, taasi oo sheegtay in ay ka xun tahay falkii dilka ahaa ee naftiisa lagu dhaafiyay Marxuum C/qaadir Yuusuf Kaariye.

 

Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman ayaa sheegay in falka lagu dilay marxuumka uu lid ku ahaa Shareecada Islaamka, Xeerarka Caalamiga ah ee la isla aqoonsan yahay iyo Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

 

“Xanuun buu nagu hayaa dilalka loo geysanayo dadka bulshada u dhaqdhaqaaqa ee uu ugu dambeeyay Cabdu qaadir Yuusuf Kaariye, waxaana leenahay bulshada waa in ay ku baraarugtaa falalkaas lagu dabar goynayo dadka bulshada waxgalka u ah”ayuu yiri Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa).

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >